Baraha Bulshada ayaa waxaa ka billowday Codsi lagu doonayo in Senator Fraser Anning oo ka mid ah aqalka sare ee dalka Australia laga saaro Baarlamaanka.
Fraser Anning, ayaa ka careysiiyay dad badan markii weerarkii lagu qaaday masaajidda New Zealand uu ka hadlay.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Xildhibaanka ku yiri ” ma taageerayo wax kasta oo qas iyo fowdo ah, laakiin waxa dhacaya waxaa sabab u ah Muslimiinta ku sii kordhaya Australia iyo New Zealand”.
hadalkaas ayaa dad badan ka careysiiyay,waxaana isaga oo mar kale shir jaraa’id ka hadlayya Ukun ku dhuftay Wiil 14 Jir ahaa oo ka careysnaa hadalkiisa.
Drs Kate Ahmad, iyo qoraa Harris Sultan oo ku kala sugan Sydney iyo Melbourne ayaa soo jeediyay in la sameeyo wax ka duwan qoraal baraha bulshada ah,waxaana ay abuureen codsiga lagu doonayo in Ninkan looga saaro aqalka sare.
Waxaa uu sii caga cageynayaa 800,000 oo kun oo qof oo u codeeyay ka saariddiisa Baarlamaanka Dalka Australia.
Anne Twomey oo ah Bare sare waxna ka dhiga Jaamacadda Sydney ee Dalka Australia ayaa sheegay in Xildhibaankan aan laga saarin karin aqalka sare ilaa laga beddelo qodobka Privileges Act ee soo baxay1987kii.
Ninkan waxaa uu taageeray Ninka weerarka ku dilay 50 Qof ee Muslimiinta ah ee ay Soomaalida ka midka ahaayeen.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…