Askarta  Muslimiinta ah oo isaga baxaya Ciidanka Kenya.

Shantii Sano ee la soo dhaafay boqolaal ka mid ahaa Askarta iyo Saraakiisha Muslimiinta ah ee ku jira Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa isaga baxay Ciidamada dalkaas.

Wargeyska The Star;  oo maqaalkan qoray ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wasaaradda amniga ay qabteen warqadaha is casilaadda Saraakiisha iyo codsiyada Askarta kale ee ka baxaya Ciidamada.

Askartan ayaa ku doodaya in ay walaac ka qabaan habka ay ula dhaqmaan taliyayaasha ugu sarreeya Ciidamada Kenya xilliyada howlgallada.

Mid ka mid ah saraakiisha is casishay ayaa u sheegay The Star in sababta uu is casilay tahay kaddib markii ay aamini waayeen Saraakiisha kaga sarreysa Ciidanka.

Waxaa uu xusay in Askarta iyo Saraakiisha Muslimiinta ah eek u jira Ciidanka Difaaca Kenya loo diro Gobolaka Waqooyi Bari,Sohdinta Soomaaliya iyo goobaha kale ee ay ku xoogganyihiin Al-shabaab.

Waxyaabaha kale  ee ay uga baxayaan ciidanka ay ku sheegeen in ciidanka gudahiisa aan si wanaagsan loola dhaqmin,laguna shaabadeeyo argagixiso,mushaarkooda oo aysan u helin sida ay u helaan Ciidanka kale iyo habka ku dhex noolaanshaha askarta kale oo ku adkaatay.

Mid ka mid ah saraakiishan isaga baxay Ciidanka Kenya ayaa u sheegay The Star “ hadda ka hor aniga iyo afar saaxibadey ah ayaa naloo diray Magaalo ku taalla sohdinta si aan uga saarno Al-shabab, waxaa nalooga wacay Nairobi,sababta nalooma sheegin,mar dambe ayaan ogaannay in nalaga shakiyay inaan howlgalkaas si wanaagsan u qabanin”.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Kenya  Njoka Mwenda, ayuu wargeyska wax ka weydiiyay arrintan,waxaase uu codsaday in arrinta ay xasaasi tahay islamarkaana waqti dheer la siiyo si uu uga jawaabo.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya  David Obonyo  iyo Taliyaha Booliska  Isaiah Osugo ayaa diiday in ay ka jawaabaan wicitaannada The Star.

Talaadadii la soo dhaafay Askarkaal ka tirsan Ciidanka difaaca Kenya uu ku sugnaa saldhigga degaanka  Embu was ,ayaa waxaa xiray ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya,waxaa uu ka mid yahay Saraakiisha Muslimiinta ah eek u jirta KDF.

Saraakiisha Muslimiinta ah qaarkood ayaa lagu tuhmayaa in ay Al-shabaab u gudbiyaan siraha dhinaca Sirdoonka ah ee Dowladda.

Waxaa kale oo intaas u dheer marka ay Saraakiisha Ciidanka ku wareejiyaan warqadaha is casilaadda una sababeeyaan,waxaa loogu jawaabayaa in ay doonayaan in ay ku biirayaan Al-shabaab,sababtaasna ay uga baxayaan Ciidanka.

Kaddib weerarkii Ceelcadde ee 15kii January , mid ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka ee xerada joogtay oo Soomaali ahaa ayaa lagu eedeeyay in uu Al-shabaab u fududeeyay weerarkaas oo sababay dhimashada Askar ka badan 200 Qof.

Mid ka mid ah Saraakiisha  ka baxay Ciidanka Kenya ee uu wareystay Wargeyska The Star ayaa  yiri” inteenna badan waxaan joognaa furumaha dagaalka,waxaan ka shaqeynaa meelaha ugu halista badan, sida Soomaaliya,laakiin waxaa nalooga shakiyaa inaan xiriir la leenahay argagixisada,tani uma wanaagsana taliyayaasha, Masaajidda ku yaalla xeryaha Milatariga aad ayaa loo dabagalaa,waxaa lala socdaa casharrada,sidoo kale macallimiinta ayaa dabagal lagu hayaa, dhaqankan oo kale waxaa uu waxyeelayaa danaha Qaranka”.ayuu yiri.

Isha: The Star

W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah

Mustaqbal media

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

58 mins ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

1 hour ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

1 hour ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

13 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago