AQRISO: Madaxweynaha Galmudug oo soo magacaabay golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa gelinkii danbe ee xalay soo magacaabay golihiisa Wasiirada ee Cusub, Waxaana ka dhex muuqda xubno badan oo katirsan Maamulkii AHlu-Suna.

Axmed Ducaale Geele (Xaaf), ayaa soo magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 25 Wasiir, waxaana Wasaaradaha ugu muhiimsan loo dhiibay xubnaha Ahlu-sunna Waljamaaca oo heshiis kadhacay Jabuuti kula midowday dowlad-goboleedka Galmudug.

War Saxaafadeedka magacaabista ayaa muujinaya in Wasiiradan laba kaliya ay ka yihiin Haween, halka 23ka kalena ay yihiin Rag.

Magacaabistan, waxey ku soo beegmeysaa iyadoo Khilaaf xoogan uu u dhexeeyo Madaxda Sare ee Galmudug oo u kala jabay Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado.

Halkan ka Aqriso Magacyada Wasiirada iyo Xilalkooda:

  1. Mudane Maxamuud Maxamed Samatar (Duran) Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Dib heshiinta iyo Dowladaha Hoose
  2. Mudane Cabdi Maxamed Fiidow :Wasiirka Cadaalada iyo arimaha Garsoorka .
  3. Mudane Saciid Siyaad Shirwac : Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqalaha
  4. Mudane Saadaq Sheikh Yuusuf Ibraahim: Wasiir Wasarada Amniga Gudaha
  5. Mudane Cabdikaafi Maxamed Maxamuud: Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah
  6. Mudane Cabdi Cabdimaciin Amaan Sheikh Cali: Wasiirka Dib u dajinta iyo daryeelka Agoonta iyo Naafada
  7. Mudane Sharaf Maxamed Cali: Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda
  8. Mudane Mahad Cabdulahi Xuseen: Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo guriyeenta
  9. Mudane Ibraahim Xuseen Guurey: Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha
  10. Mudane Maxamuud Aadan Cisman :Wasiirka Wasaarada Warfaafinta
  11. Mudane-Cabdulaahi Cali Maxamed: Wasiirka Wasaarada Gadiidka cirka iyo Dhulka
  12. Mudane Maxamed deeq cabdi Falko: Wasiirka Wasaarada Waxbarshada
  13. Mudane Aadan Xasan Gardheere:Wasiirka Wasarada Boostada iyo isgaarsiinta
  14. Mudane Axmed Dhiblaawe Casir:Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo xanaada xoolaha
  15. Mudane Maxmed Xuseen Maxamed:Wasiirka Wasaarada bii’ada dhirta iyo daaqa
  16. Naciimo Maxamed Maxmuud :Wasiirada Wasaarada Caafimaadka
  17. Dahabo Cabdi Maxamed :Wasiirka Wasaarada Haweynka iyo Xaququl insaanka
  18. Bashiir Maxamed aw cali Maxamed:Wasiirka Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
  19. Abshir Cabdi Shiiqow :Wasiirka Wasarada Dastuurka
  20. Axmed shire Maxamuud :Wasiirka Wasarada Biyaha iyo korontada
  21. Daahir Shidane Cabdi:Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha
  22. Feysal Abshir Nuur :Wasiirka wasaarada Dakadaha iyo Gadiidka Badda
  23. Cabdiraxiim Xaaji Faarax Xirsi :Wasiirka wasaarada Qurba Joogta dalxiiska iyo dhiiragalinta iyo maalgashiga
  24. Asad Badal Cilmi Xaashi:Wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka
  25. Abdishakuur Macalin Ciise Xashi:Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta

Mustaqbal media

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

45 mins ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

52 mins ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

1 hour ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

13 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

15 hours ago