Maxkamada Ciidamada oo Saaka toogatay Nin loo heystay Qarixii Zoobe.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, waxey Saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay mid kamid ah ragii loo soo qabtay Masuuliyada qarixii lagu la’day ee isgoyska Zoobe.

Ninka Saaka la toogtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Aadan Isaaq Cali, Waana Ninka lagu soo qabtay isagoo wata gaari NOA-ah oo ay saranaayeen walxaha qarxa, xiligaas waxa uu ku sugnaa Isgoyska Ceel Qaloow ee degmada Wadajir.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay toogashada lagu fuliyay Ninkaasi 8-da bil xirnaa isagoo xukuman.

Si Kastaba, Maxkamada Ciidamada, ayaa xukunkan ku riday Xasan Aadan Isaaq Cali ,  February 6, 2018, Maanta ayaana ugu dnabeyn lagu fuliyay Xukunka.

Sidoo kale xiligaasi, waxaa lala xukumay Marxuumka Saaka la toogtay rag kale oo lala soo qabtay, wuxuuna xukunkooda ahaa sidan:

C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo Maqan waxaa lagu Xukumay Xabsi Daa’in.

C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu Xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa amartay in xuriyadooda la siiyo  Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali  kadib markii Maxkamada ragan ku weysa wax dambi ah.

Waa markii u horeysay ee Toogasho la fuliyo tan iyo markii xilka Madaxweynaha Somaliya loo soo magacaabay Madaxweyne Farmaajo Sanadii hore bilowgeeda.

Mustaqbal media

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

2 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

3 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

5 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

5 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

6 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

17 hours ago