Wadooyinka Muqdisho ugu muhiimsan oo xiran.

Jiddka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa subaxnimadii hore ee la xiray, sababtu waa xuska sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegatay Qaraxii kadhacay isgoyska Zoobe ee KM5 oo dhacay 14-kii October 2017 maalin Sabti ah.

Ciidamada ayaa dadka lugeynaya baaris dheeraad ah ku sameynaya, halka gaadiidka iyo mootooyinka Bajaajta loo diidayo inay isaga kala gudbaan isgoysyada magaalada Muqdisho.

Qaraxyadii isgoyska Zoobe, Hotelka Naasahablood 2 iyo dugsiga tababarka Booliiska ayaa waxa ku geeriyooday 656 qof, waxaana ku dhawaacmay 340 qof.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomalaiya ayaa waxa ay tagayaan isgoyska Zoobe si ay uga qeyb galaan salaad janaaso-wadareed ah loogu duceynayo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Qaraxyadaas.

Isgoyska Zoobe ayaa laga taagay taalo loo dhisay xusuusta 14-ka October oo lagu xusuusan doono muwaadiniintii Soomaaliyeed ee lagu laayay qaraxaasi.

Inkasta oo ay jiraan dad loo haysto eedda la xiriirra kulug lahaanshaha qarixii Zoobe haddana illaa hadda ma jirto cid qaadatay mas’uuliyadda qarixii Zoobe

Mustaqbal media

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

1 hour ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago