Al-Shabaab oo Toogtay Rag ay ku sheegeen in ay ahaayeen Basaas.

Gelinkii dambe ee Maanta Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ku toogtay k nin oo ay sheegeen in ay ahaayeen Basaas u shaqeynayay Dowladaha Reer Galbeedka.

Waxa ay sheegeen in Qaarkood ay Shirqool fuliyeen, halka kuwo kalena ay ku howlayaan sida ay ku sheegeen hadal ay soo dhigeen warbaahinta taageerta.

Shanta Nin ee ay Xarakada Al-Shabaab ku dishay Degmada Jilib waxa ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.

Magacyada raggaan ay toogteen waxa ay ku kala sheegeen:-

1-Cabdicasiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan  oo ah 22 jir ah kuna eedeeyeen in uu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

2-Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sano jir ayaa ku eedeysnaa la shaqeynayay Ciidamada Bangaraafta ee Mareykanka uu tababaray, iyaga oo sheegay in si gaar ah ugu gacan siiyay weerar ay ku qaadeen Guri ku yaalla Degmadaas.

3-Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 jir ah Sirdoonka Dowladda Federaalka iyo Mareykanka ayay Al-Shabaab sheegeen in ay uu kala shaqeeyay Duqeymo ka dhacay Shabeelaha Hoose, isaga oo Sim Card geliyay Labo gaari oo la duqeeyay.

4- Cawaale Axmed Maxamed 32 sano jir waxaa loo heystay la shaqeynta Sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaan MI6 sida ay Al-Shabaab sheegeen.

5-CabduQaadir Isxaaq Amiin oo ah Ninka Shanaaad ee la dilay, Al-Shabaab ma sheegin da’diisa, waxa ayna ku eedeeyeen in Dowladda Federaalka uu Basaas ugu qoray Jubbooyinka.

Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan toogata Dadka ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo kuwa Reer Galbeedka.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

1 hour ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

2 hours ago

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

4 hours ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

9 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

10 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

12 hours ago