Afar ka mid ah Saraakiisha Booliska Kenya oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Mandheera

Maagalada Mandheera ee Gobolka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay qarax ay ku dhaawacmeen afar ka mid ah saraakiisha Booliska Kenya.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in Bam Gacmeed lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen saraakiishaas uu ka dhashay khasaaraha afar qof oo dhaawac ah islamarkaana dhamaantood ah saraakiisha Booliska Kenya.

Kutswa Olaka, oo ah Guddoomiyaha Gobolka Mandheera ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay baxsadeen Bamka kaddib ciidamada amaankana ay ku baxeen halkii ay u carareen.

Saraakiisha amaanka waxaa ay sheegeen in Saraakiisha xilliga Bamka lagu tuurayay waxaa ay ku guda jireen sugidda amniga Sohdinta Mandheera ay la wadaagto Gobolka Gedo.

Wasiirka amniga gudaha Kenya  Fred Matiang’i, ayaa sheegay in inkasta oo wali meelaha qaar amni darrada ka jirto haddana wasaaraddiisa ku guuleysatay in inta badan amniga dalka la xaqiijiyo iyada oo adeegsaneysa hay’adaha kala duwan ee amaanka oo la isku xiray.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

8 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

10 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

11 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

16 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

18 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

18 hours ago