Rag hubeysan ayaa Duhurnimadii maanta xaafada Laba-Dhagax ee degmada Wardhiigley (Wartanabadda) waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah, sidaaswaxa  u sheegay Mustaqbal Radio saraakiisha nabadgelyada degmadaas qaabilsan .

Dad joogay markii uu dilkaasi dhacayey ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in kooxda hubeysan ee geysatay dilku ay si gaadmo ah u fuliyeen falka.

Maamulka degmada Wartanabadda iyo Hay’adaha ammaanka ayaa tagay goobta waxayna sameeyeen baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Sidaas oo kale Wararka aan ka heleyno xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilliwaa ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeysan ay halkaasi ku dileen gelinkii danbe ee maanta nin kale oo isaguna  dhalinyaro ahaa.

C/risaaq Maxamed Raage oo ah qofka 2aad ee la toogtay ayaa u shaqeynayey shirkadaha Isgaarsiin

Meydka C/risaaq Maxamed Raage ayaa la geeyey xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Koox hubeysan ayaa maqribnimadii caawa waxa ay xaafada 6 Piano ee degmada Hodan ku dileen Garaad Yaasiin Faarax oo u shaqeynayey shirkadda SIGNJET, Dilkan ayaa yimid kadib markii raggan ay isku dayeen in ay telefoonka gacanta ka dhacaan, balse isaga uu diiday, sidaasina ay rasaas ugu fureen.

Dableyda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay marka ay dilka geysteen, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka.

Ahun Garaad Yaasiin Faarax, waxa uu kamid ahaa shaqaalaha hsirkadda SIGNJEDT

Ehelada marxuumka la dilay ayaa waxa ay dowladda ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno burcadii dishay wiilkooda.

Waa qofkii Saddexaad ee Maanta oo Khamiis ahayd  lagu dilo magaalada Muqdisho, iyada oo laamaha nabadgelyadu ay sheegayaan in ay wadaan dadaal badan oo kuwajahan sidii ay u nabadeyn lahaayeen Caasimadda.

Xigasho: Ila kaladuwan

Mustaqbal Media

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago