GUDAHA/wararka

Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka oo ansixiyey hindise Sharciyeedyo la xiriira Doorashooyinka

Xildhibaannada & Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay habraaca Fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta saddexda Hindise sharciyeed u ku shaqeynayo Guddiga kumeel-gaarka ah ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka Doorashooyinka, Ururrada & Xisbiyada.

170 Mudane oo labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya katirsan ayaa ogolaatay, ma jirin Xildhibaan ama Senatar diiday ama ka aamusay sida uu sheegay shir guddoonka kulankii maanta oo natiijada ku dhawaaqay markii la tiriyay codeyntii gacan taagga ahayd ee arrintaan lagu ansixiyay.

Guddiga ka shaqeynaya xeerarka Doorashooyinka, Ururrada & Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kusoo baxay Liis si wadajir ah usoo saareen Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iska dhex doortay Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diiradda saareyso qorshaha iyo dedaallada lagu gaarayo Doorasho qof & cod ah, Baarlamaanka ayaa dhowaan ogolaaday in bishaan oo fasax geli lahaayeen sii shaqeeyo kaddib codsi uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si looga shaqeeyo arrimaha Doorashooyinka iyo xeerarka kale ee muhiimka ah.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

18 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago