Categories: GUDAHA/wararka

Yariisoow: Waxaan Wadajir ka soo qabanay Sarkaal Shabaab ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xog ka helay Shacabka kunool degmada Wadajir in ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Duqa Muqdisho waxaa uu u mahadceliyay Shacabka kunool degmada sidda ay ula shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka.

Yariisow ma shaacin Magaca iyo xilka uu haayay ninka ay qabteen ciidamada Ammaanka , laakiin waxaa uu sheegay in ay ku waddaan baaritaano.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan argagixisada Alshabaab, kaas oo doonayey in uu ku dhex dhuumaaleysto shacabka. Aad ayaan ugu bogaadinaynaa Bulshada Caasimadda feejignaanta ay kaga jiraan argagixisada iyo sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka” ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.

Amniga Magaalada Muqdisho ayaa Isbedal Ballaaran lagu sameeyay, waxaana hadda sugga Ciidamo lagu Magacaabo 14 October.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

4 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

9 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

10 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

10 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago