Yaa ka dambeeyay Rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga?

Xafiiska Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa shaaciyay tirada dadka loo aqoonsan yahay iney sababta u yihiin dhibaatadii 4-tii bishii Agoosto ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.

Mas’uuliyiinta Xeer ilaalinta guud ee dalka auaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in 46 ruux ay mas’uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas horay gacanta loogu dhigay oo ay xiran yihiin.

Waxaa socda howlgal loogu raad joogo dhammaan 40-kii ruux ee kale, sida lagu qeexay macluumaadka uu shaaciyay xafiiska Xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya.

Waxa ay sheegeen in 6-da ruux ee xiran uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaalinta ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegtay in eedeysaneyaasha lagu raad joogo ay ku kala sugan yihiin Dadlka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Waxa ay sidoo kale intaas ku dareen in ay la xiriireen Dowladaha ay dadka baxsaday ku sugan yihiin ayna ka codsadeen in meelaha ay joogaan laga soo xiro, loona soo gacan galiyo dowladda Itoobiya si loogu Ciqaabo dambiga ay galeen.

Qaar ka mid ah dadka lagu raad joogo ayay sheegeen in ay ku sugan yihiin Dalal ku yaalla qaaradda Afrika, inkastoo aysan carrabaabin.

Waxaa sidoo kale ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacinin Magacyada dadka la doon-doonayo ee ku dhow qofka ruux.

4-tii Bishii Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay 2018, Dibadbax rabshado waty oo ka dhacay Magaalada Jigjiga waxaa ka dhashay Dil, Barakac, Boob iyo Xad gudubyo kale.

Rabshadaas kadib waxaa la xiray Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno lasoo shaqeeyay, talada waxaa qabsaday Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar), waxa uu la jaan qaaday isbitalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Waxaa lala heshiiyay Hogaanka Jabhadda ONLF, sidoo kale waxaa laga saaray liiska waxa loogu yeero Argagixisada, halka la bur-buriyay Xabsiga Jeel Ogaadeeniya oo inta badan Maamulkii Cabdi Maxamuud ku ciqaabi jiray dadka hadda Eedahooda loo heysto.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

4 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago