Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay ineysan isku xirneyn qaraxyada dhacaya iyo xil ka qaadis lagu sameeyo mas’uuliyiinta amniga.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Soomalaiya Aadan Isaaq Cali, ayaa ka hadlay qarixii xoogganaa ee shalay ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, kaasoo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 15 qof oo Shacab ahaa.

Wasiir Aadan Isaaq, ayaa sheegay iney ka xunyihiin weerarada Shabaab ay ka geysanayaan Caasimada, isagoo taa bedelkeedna sheegay ineysan yareyn shaqada ay Muqdisho ka hayaan laamaha amaanka, wuxuuna sheegay iney mudanyihiin in la garab istaago.

Waxa uu sheegay iney bulshada arkaan oo kaliya waxa dhacaya, balse ay jiraan qaraxyo waaweyn oo ay fashiliyaan Ciidamada amaanka, kahor inta aan la qarxin, walow uusan soo bandhigin qaraxyada uu sheegay in la qabtay.

Dhinaca kalena mar wax laga weydiiyay sababta la iskala xisabatami la’yahay waxa socda, waxa uu hadalkiisa ku soo koobay ineysan wax micno ah amniga ku soo kordhineynin in xil ka qaadis lagu sameeyo ama isbedel uu ka dhoco mas’uuliyiinta amniga ku shaqada leh.

Si kastaba, Qarax shalay duhurnimadii ka dhacay inta u dhexeyso Kontoroolka laga ilalaiyo madaxtooyada ee Seydka iyo Isgoyska Debka waxaa ku naf waayay dad ku dhow 20 ruux, halka ay dhaawacmeen Sodomeeyo kale, mana jirto wali cid dowladda ay kala xisaabtantay waxa socda oo Warbaahinta la ogeysiiyay.

News Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

12 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

15 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

16 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

16 hours ago