GUDAHA/wararka

Xoghayaha guud ee QM oo ku baaqay in la garab istaago Pakistan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo tagay Pakistan oo maalmo kahor ay waxyeello u geysteen Daadad xooggan oo ka dhashay roob Mahiigaan ah oo ka da’ay Dalkaas ayaa ku baaqay in la garab istaago.

Ka Qaramada Midoobay ayuu sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo gacan qaban lahaa waddankaan dhibaatooyinka dhaqaale xumo la dhibtoonayay oo ay ugu darsameen daadadka ka dhashay roobka Mahiigaanka ah.

Guterres oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka nololeed ee ka jira Pakistan oo saameyn taban ku reebtay Malaayiinta ruux ee ku guryo & hanti waayay Daadadka ku rogmaday deegaannadooda.

“Waxa aan xannuunka la qaybsanayaa Dadka dhibaatadu kasoo gaartay daadadka ku rogmaday, xaqiiqdii waxa ay Pakistan u baahan tahay in la garab istaago si ay u hesho dhiirragelin ay uga soo kabato dhibaatadaas” Antonio Guterres.

Waxa uu ku baaqay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres in wax laga qabto caaqa (Qiiqa) badan ee Warshadaha sii daayaan oo loo sababeynayo is baddelka Cimilida Meelo badan oo Caalamka.

“Wax ay la mid tahay in deegaankii la dhibaateeyey, kuwa sida xun uga faa’iidaysta ee ka masuulka ah isbedelka cimilada waa in wax laga qabtaa, dabcan waa arrin guud ahaan Caalamka saameyneysa” ayuu yiri Antonio Guterres.

Pakistan oo Bulshadeeda ay ka badan yihiin 220 Milyan oo qof waxaa qiiqa hawada ay Warshadaha kusii daayaan dalkaas uu dhan yahay 1% marka la barbardhigto guud ahaan Caalamka, Xukuumadda Islamabad waxa ay sheegtay in ay wax ka qabaneyso arrintaan.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Netanyahu oo si rasmi ah u lumiyey aqlabiyaddii uu ku lahaa doorashada Israa’iil.

Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa si rasmi ah u ansixiyey natiijada doorashadii baarlamaanka ee…

12 hours ago

Liibaan Axmed Xasan oo si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Galmudug

Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay…

12 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Cumaan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay…

12 hours ago

Shiinaha oo Maraykanka ka dalbaday in uu ka raalligeliyo eedihii uu u jeediyay ee la xiriira Covid-19

Maxkamad ku taalla Magaalada Wuhan oo ah bartii uu kasoo billowday Cudurka Aafada ku noqday…

14 hours ago

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Galmudug ka billaabay howlgallo ka dhan ah AS

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Janaraal Khaalid) iyo wafdi…

16 hours ago

Madaxda DFS oo ku wajahan Dhuusamareen si ay uga qaybgalaan Caleemo-saarka Hoggaamiyaha Galmudug

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug…

17 hours ago