GUDAHA/wararka

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka oo wada Mooshin ka dhan ah Xukuumadda RW Xamsa

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS oo lagu sheegay 120 Mudane ayaa diyaariyay mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre sida ay sheegeen qaar kamid ah Xildhibaannada mooshinkaan wada.

Magacyada xubnaha muujiyay in ay kaalintooda ku leeyihiin mooshinkaan waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Faa’isa Jeyte iyo xubno kale.

Baarlamaanka ayaa fasax ku maqan, waxaa lagu wadaa in uu kalfdhiga uu furmo 23ka Agoosto oo maalmo kooban inaga xigaan, Xildhibaannada Mooshinka wada ayaa billaabay kulamo ay ku xoojinayaan mudaneyaasha kale ee soojintooda ku garab taagan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre waxa uu xafiiska joogaa 3 sano iyo 2 bil, arrimo badan oo ay kamid tahay Doorashada Dalka ayaa horyaal maadaama muddo xileedka dastuuriga ah ee Dowladda uu ku siman yahay May 2026.

Xubno katirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhankooda wada olole ay ku difaacayaan Xukuumadda Dan-Qaran si ay uga hortagaan mooshinkaan ay wadaan Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.

Kalfadhigii 6aad waxa uu idlaaday iyada oo Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka ay wadeen mooshin kan lamid ah oo ka dhan ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi balse ma suuragelin in la guda galo.

Haddaba, Mooshinka ay wadaan Xildhibaannada ee ka dhanka ah Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi ma aqbali doonnaa Guddoonkooda?

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago