Deegaanno katirsan Gobolka Awdal waxaa ka barakacay qoysas badan kaddib markii ay saamayn taban ku reebtay abaarta ku dhufatay Gobolkaas, dadkaan oo u badan xoolo dhaqato ayaa raadsado meelaha ay ka heli karaan biyaha iyo daaaqa xoolahoodu u baahan yihiin.
Xoolaha ayaa tarab-tarab ugu dhintay haraad iyo daaq la’aan, taasi waxa ay sababtay in qoysas badan ay la baxaan xoolahooda si ay uga badbaadsadaan abaartaas mar haddii uu qalalay dhulkii doogga lahaa ee daaqsan jireen.
Ganacsatada ayaa loogu baaqay in ay ka qaybqaataan gurmadka degdega ah ee loo samaynayo dadkaan oo u baahan daryeel Caafimaad, Biyo Nadiif ah, cunno iyo cowska loogu talagalay in xoolaha la siiyo waqtiyada jiilaalka.
Qaramada Midoobay ayaa dhowaan sheegtay in Abaarta ka jirta qaybo kamid ah Soomaaliya ay sal kicisay qoysas u badan Xoolo dhaqato kuwaas oo xaalado adag ku wajahaya deegaannada ay joogaan oo aanay ku helin biyo nadiif ah iyo cunno.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…