Waxaa berri lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka dhaco Shirka 4aad ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Samatabixinta iyada oo weli taagan tahay doodda xubnaha mucaaradka kasoo gudbiyeen wax ka baddelka lagu sameeyay Dastuurka Dalka.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, kulankaan waxaa ay dhinacyadaas isaga xog-wareysanayaan doodda la xiriirta dhinaca Dastuurka oo Golaha Samatabixinta ku dooday in Dowladdu dib uga laabato wax ka baddelka ay ku sameysay qodobo kamid ah Dastuurka.
Golaha Samatabixinta waxaa ku mideysan Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal, Guddoomiye Baarlamaan iyo mas’uuliyiin kale oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii Dalka soo maray.
Waxaa aad loo hadal hayaa waxyaabaha iska baddela qodobadii labada dhinac ku kala dhegeen ee diiradda la saaray fadhigii 3aad, qodobada cusub ee diiradda la saari doonno haddii la isku fahmo doodda dhinaca dastuurka.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…