Tiro Xildhibaanno ah oo katirsan Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isla markaana deegaan-doorashadoodu tahay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa kahor yimid in Dadka lagu qasbo in ay taageeraan Itoobiya oo Dalka ku xadgudubtay.
Warsaxaafadeed ay soosaareen Xildhibaannadaan waxa ay uga digeen in Dadka Shacabka ah iyo Dowladda Federaalka aanay la iska hor keenin, waxa ay madaxda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed usoo jeediyeen in ay ka waantoobaan hadallada dhaawaca ku ah Soomaaliya.
Nasiib darro ayay ku tilmaameen in Dad la isugu keenno meel kaddibna loo dhiibo warqado ay ku qoran yihiin “Ma dooneyso Masar, soo dhawow Itoobiya” waxa ay Xildhibaannadu sheegeen in laga fiirsado tallaabooyinka la qaadayo.
Ciidamada dalka la keenayo, kuwa laga saarayo iyo qorshaha guud ee heshiisyada ayay sheegeen Xildhibaannadu in ay mas’uul ka tahay Dowladda Federaalka sidaas awgeed loo baahan yahay in lagu ixtiraamo sida ay hadalka u dhigeen.
Gobolka Bakool gaar ahaan Degmada Xudur waxaa shalay ka dhacay kulan kooban oo Dadkii ka qaybgalay ay wateen boorar lagu qoray, ‘Itoobiya soo dhawow, Masar dooni mayno’ waxaana ka dhashay Falcelin xooggan.
Mustaqbal
Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii…
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta…
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso sidii ay isugu…
Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…