Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Dowladdiisa ay Itoobiya siineyso Deked u dhaw dhanka Xadka Dalkaas una jirta fogaan dhan wax ka yar 100 Kiilo-mitir si hoos loogu dhigo xiisadda ka aloosan Geeska Afrika.
Yuusuf oo la hadlay BBC NEWS ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ka shaqeynayo sidii hoos loogu dhigi lahaa colaadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee salkeedu yahay xadgudubka Addis Ababa sameysay billowgii sanadkaan.
“Itoobiya waxa aan siineynaa Deked u jirta xadka wax ka yar 100 KM, Maamulka Dekeddaas boqolkiiba boqol iyada ayaa maamuleysa si loosoo afjaro khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf tilmaamay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka shaqeynayo kulansiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Kulankaan ayuu carrabka ku dhuftay in uu ka dhacayo Dalka Shiinaha, rajo ayuu ka muujiyay in hoos loo dhigo xiisadda ka taagan Geeska Afrika oo cabsi xooggan iyo dareen sare dhalisay kaddib markii labada dhinac isku fahmi waayeen labadii shir ee Turkiga ka dhacay.
Waxa uu gunaanadka Wareysigiisa ku sheegay in ay Jamhuuriyadda Jabuuti ugu baaqayso Soomaaliya iyo Itoobiya in la isku dhowro derisnimada isla markaana dhankooda diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa si xiisadda loo dejiyo.
Ma jiro war kasoo baxay Dowladaha Soomaaliya & Itoobiya, Jabuuti waxaa Addis Ababa kala dhaxeeya heshiis ku saabsan isticmaalka Dekedaha Dalkaas oo wax kala soo degto kana dhoofsato, Itoobiya ayaa waqti fog raadineysay marin badeed iyada oo diyaarsan ciidamo.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii…
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta…
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso sidii ay isugu…
Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…