GUDAHA/wararka

Xildhibaanno ka soo jeeda Hirshabeelle oo ku wajahan Baladweyne

Xildhibaannada labada aqal ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa maalmaha soo socda tagaya  Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolkaas.

 

Xildhibaannadan ayaa doonaya in ay xalliyaan khilaafka ka taagan Magaalada Baladweyne ee u dhaxeeya Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Hiiraan iyo Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaannadan waxaa horkacaya Daahir Amiin Jeesow,waxaana uu sheegay in aysan ahayn wax la qaadan karo in Ciidamada dowladda Federaalka ah ku lugyeeshaan dagaalka ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Daahir ayaa u sheegay  Idaacadda Mustaqbal  in ay  isku dayi doonaan in ay xalliyaan xiisadda hadda ka taagan Gobolka inta aysan gaarin heer ka xun midka ay maanta taagan tahay.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xalay ku hoyday Baladweyne waxaana socday banaanbax isaga ka dhan ah oo ay dhigayeen taageerayaasha Yuusuf Axmed Hagar.

Web master

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

15 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

17 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

17 hours ago