Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleed Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kulamo gaar gaar ay u socdaan xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka.
Xildhibaano ay Mustaqbal la hadashay ayaa u xaqiijiyey in maanta kulamo ay yeelanayaan xildhibaanada iyo masuuliyiinta ku sugan Dhuusamareeb sida Madaxweynaha maamulkaas Axmad Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukumada Sheekh Maxamed Shaakir,kulamadaan ayaa gogol xaar u ah sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Galmudug kulan lagu wado barri in lagu ansixiyo golaha wasiirada maamulkaasi oo dhawaan Xaaf magacaabay.
Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb ka sheegay in maal maha soo socda ay is badalo muuqda samaynayaan in kastoo uusa cara baabin waxa ay qabanaayaan.
Waxaana muuqata inaan wax xala laga gaarin xiisada siyaasadeed ee madaxda Galmudug ee kula sugan Dhuusamarreb iyo Cadaado,kulamadaan ayaa ku soo aadaya xili deegaanada qaar ay ka jiraan colaado u dhexeeya beelo walaalaa oo wada daga.
Galmudug waxaa ku soo laalaabtay khifaafka u dhexeeya madaxda sare ee maamuulkaas oo sababtay inay labo magaalo xarumo ka kala dhigtaan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…