Xildhibaana Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa si adag u cambaareysay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku tegay dalka Mareykanka.
Qoraal ay Xildhibaan Ilhaan ku soo qortay barteeda Twitter waxaa ay ku sheegtay in Netanyahu uu geystay dambiyo dagaal oo ka dhacay magaalada Qasa, isla markaasna uu mudan yahay in lala xisaabtamo.
“Tani waa booqashadii saddexaad ee Netanyahu uu sanadkan ku yimaado DC. Dambiilayaal dagaal looma baahna in ay martiqaadaan madaxweyne ama Congress toona. Waa in lala xisaabtamaa dambiyadiisa, loogana hortagaa in la siiyo meel uu ku hadlo. Tani waa ceeb aan la qari karin.” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Ra’iisul Wasaare Netanyahu lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, iyadoo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay bishii November ee sannadkii hore soo saartay amar xarig ka dhan ah isaga iyo Wasiirkii Difaaca dalkaasi.
Tan iyo bishii October 2023, ciidamada Israa’iil waxay dileen in ka badan 57 kun qof oo Falastiiniyiin ah oo intooda badanna ay yihiin haween iyo carruur, waxaana Qasa ay la tacaaleysaa burbur, gaajo iyo cudurro faafaya.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…