Dalka Jabuuti waxaa caawa ku dhintay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye oo katirsan Golaha Shacabka BFS, waxaana Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka ay Mustaqbal u sheegeen in Marxuumka uu xanuunsanaa waayihii dambe.
Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu ku dhintay isbitaal ku yaalla Jamhuuriyadda Jabuuti oo lagu daaweynayay, waxaana tacsi ka diray Madaxda Dowladda iyo Xildhibaanno ay kawada tirsanayeen Baarlamanka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu kaga tacsiyeeyay ehelka Xildhibaanka, Mudanayaashii ay kawada tirsanayeen Golaha Shacabka iyo dhammaan Soomaalida.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay xildhibaan Cabdirahman Maxamuud Caateeye. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, eheladiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka BFS ayaa dhankooda ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye oo katirsanaa Aqalka Shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…