WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo wax ka badalay Bandowga, amarro cusub-na dul dhigay Maqaayadaha iyo Gaadiidka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo Warbaahinta gelinkii dambe ee maanta kula hadlay Magaalada Muqdisho waxa uu tilmaamay in isbadal ay ku sameeyeen xiliga Bandowga.

Taliyaha ayaa sheegay in waqtigii bandowga uu bilaabanayay oo ahayd 8-da fiidnimo saacad ay kasoo hormariyeen iyaga oo keenay 7-da fiidnimo inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Sababta keentay go’aankaan waxa uu ku sheegay in lagu ilaalinayo caafimaadka Bulshada, loogana hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus, sidaas awgeed ay kala tashteen Culimada, Adeegayaasha Caafimaadka iyo dhinacyo kale.

Goobaha laga cunteeyo waxa uu shaaciyay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in loo ogol yahay diyaarinta raashinka ay iibinayaan wixii ka dambeeyo 5-ta galabnimo, isaga oo intaa raaciyay in aysan jiri doonin dad fadhiisan doona si ay ugu cunteeyaan.

Kaliya waxa uu tilmaamay in ay raashinka ka qaadan karaan, loona ogolaan doonin in ay ku dhex cunaan ama bannaanka Maqaayadda ay la fadhiistaan, arrintaas waxa loo sameeyayna ay tahay hirgelinta bandowga.

Waxa uu soo hadal qaaday taliyaha Booliiska Soomaaliyed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxa uu kusoo kordhiyay in gaadiidka dadweynaha aan loo ogoleyn tiro ka dhalan karta Cariiri ama ay isku dhawaadaan dadka isla saaran Gawaarida.

Taliska ilaalilada Nabadgalyada Waddooyinka waxa uu faray in ay tillaabo ka qaadaan Gaarigii jebiya amarka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya oo uu sheegay in xal looga dhigay fayaqabka Bulshada sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha oo aysan jirin su’aalo ku saabsan bandowga waydiiyay ayaa looga soo duubay Xafiiska wasiirka 1 aad ee Xukumada muuqaal uu arintaan ku shaaciyay,waxaana jira su’aalo badan oo la xariira sida ay suurta gal ku tahay in Dowladda Soomaaliya bandow ka bilaabanay hal saac oo habeeno xilli Ramadaan ah ku soo rogto Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya S/G Cabdi Xasan Maxamed ayaa dhawaan shaaciyay in isbadal uu ku imaanayo bandowga Dowladda ay soo rogtay kolka la gaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

MM Staff

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

7 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

8 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

8 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

10 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

11 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

12 hours ago