ARAGTIDA DADWAYNAHA

Xildhibaan Ayuub Ismaaciil “Xikmad iyo Xeelad Diblamaasiyadeed ayaan Xalka ku Gaadhnay”

Kowdii January, 2024, ayey soo baxday Is-afgaradkii Itoobiya iyo maamulka Somaliland, taas oo ay si weyn u diideen dawladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed. Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si weyn ayey uga hawlgashay fashilinta damaca Itoobiya. Inkastoo xilligan xaadirka ah ay awoodda ciidan ee Soomaaliya ay xadidan tahay, haddana Dawladda Soomaaliya waxa ay la soo baxday xikmad iyo xeelad diblamaasiyadeed, taas oo sahashay in la hor istaago damacii Itoobiya. Soomaaliya waxa ay kasbatay saaxiibbo caalami ah iyo isbahaysi gobolka ah, waxaana dham- maan garawshiyo laga bixiyey gardarrada ka dhanka ah qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Anigu waxaan ku jiray Guddiga Difaaca Qaranimada Soomaaliya ee uu magcaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Marka laga tago in Is-afgaradku uu xadgudub ku ahaa qaranimada Soomaaliya, haddana waxaan dareensanaa khatarta uu u lahaa dadkayga Awdal ee aan baarlamanka ku metelo. Waxaan bixinnay dedaalo diblamaasiyadeed iyo abaabul gudaha ah oo looga hortegayo hirgelinta MoU-da Itoobiya iyo taliskii Muuse Biixi. Waxaan ku ammaanayaa dadka reer Awdal in ay meel uga soo wada jeensadeen difaaca dhulkii awoowayaashood iyo ilaalinta midnimada, wadajirka dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya.

Markii dawladda Soomaaliya garawshiyo ka heshay adduunka, isla markaana Itoobiya ku guuleysan weyday hirgelinta Is-afgaradka, dawlado badan oo saaxiibbo ah ayaa nagu la taliyey in aan la hadalno Itoobiya si loo helo albaab ay Itoobiya kaga baxdo Is-afgaradkaas, oo runtii u keenay weji-gabaxa weyn iyo go’doomin caalami ah. Dawladda Soomaaliya oo tixgelinaysa baaqyada saaxiibada Soomaaliya iyo baahida loo qabo in la adkeeyo deganaanshaha gobolka, waxaan go’aansannay in lala fariisto Itoobiya. Dedaaladii caalamka iyo xikmaddii diblamaasiyadeed ee Soomaaliya, ayuu ka dhashay Baaqii Ankara (Ankara Declaration).

Baaqa Ankara ma aha heshiis, ee waa Isf-garad guud oo tilmaamaya sida loo xallinayo khilaafkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale, baaqu waxa uu tilmaamayaa sida lagu gaari karo iskaashi u dhexeeya labada dal, iyada oo la ixtiraamyo qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal. Heshiis walba oo imanaya waa in uu noqdaa mid labada dal u leh faa’iido wadajir ah (mutual benefit),Soomaaliya ma oggolaanayso wax aanay ku jirin danteeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaan ku ammaanayaa geesinimada iyo dhiirranaanta uu muujiyey si uu u difaaco qaranimada, wadajirka dhuleed iyo danaha qaran ee Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu leeyahay sooyaal wanaagsan (track record), oo uu marar badan ku muujiyey sida uu ugu taagan yahay ilaalinta qaranimada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ahaa madaxweynihii Kenya ku dacweeyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda markii ay ku soo xadgudubtay badda Soomaaliya. Tan iyo xilligaas, waxaan markhaati ka ahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu gorgorton ka gelin taako ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya.

Safarka uu dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Itoobiya oo aan aniguna ku wehelinayey, waxa uu ahaa mid loo baahnaa oo lagu caadiyeynayey xidhiidhka labada dal. Waxa uu safarkan ka tarjumayaa xikmadda iyo xeeladda diblamaasiyadeed ee Madaxweynaheenna. Shaki igama jiro in aanay dawladda Soomaaliya ka tanaasulayn danaheeda qaran. Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay ku kalsoonaadaan hoggaankooda iyo madaxdooda, oo xaqiiqdii ah dad ku suntan ammaano iyo daacadnimo.

Soomaaliya ha noolaato.

W/Q: Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo katirsan Golaha Shacabka BFS

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media

MM Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

3 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

6 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

10 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

11 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

12 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

12 hours ago