Wiil Sharad awgii ugu dhintay Wabiga Shabeelle.

Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dhalinyaro sharad ku gashay Teleefoonka gacanta midkood aan lagu heyn Nolol iyo Geeri.

Cabdiwaaxid Xaaji Cali oo ah Abtiga Maxamed Amiin ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in dhalinayrada ay ku sharad galeen Mobile ama Telefoonka Gacanta hadii uu ka gudbo waliba dibne ugu soo laabto meesha uu ka tagay.

Maxamed Amiin oo ah Wiilka sharadka lala galay ayaa ka gudbay Wabiga, balse markii uu soo laabtay ayaa la waayay sida Abtigiis uu Mustaqbal u sheegay.

Waxa uu tilmaamay in aan nolol iyo Geeri midna lagu heyn, balse ay socdaan Dadaalo lagu baadi goobayo sidii loogu heli lahaa Raq iyo Ruux.

Cabdiwaaxid Mustaqbal u sheegay in la xiray Wiilkii sharadka la galay Marxuumka geeriyooday, wiilkoodane berri ay ka raadin doonaan Wabiga si ay ugu quustaan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

33 mins ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

3 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

3 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

4 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

6 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

7 hours ago