DIBADDA/Wararka

Wasiirka Gaadiidka Ruushka oo isdilay ka gadaal markii Madaxweyne Putin uu xilka ka qaaday

Wasiirkii hore ee gaadiidka Ruushka Roman Starovoit ayaa is dilay shalay, ka dib saacado uun markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu xilka ka qaaday, sida ay sheegeen saraakiisha.

Wareegtada lagu shaaciyay xil ka qaadistiisa ayaa lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee Kremlin-ka, iyadoo ku xigeenkiisa Andrey Nikitin loo magacaabay ku simaha wasiirka.

Guddiga baarista ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen sida ay wax u dhaceen.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in Starovoit uu ku lug lahaa baaritaan ku saabsan lunsashada hantida qaranka ee loo qoondeeyay dhismo dhufeysyo ah oo gobolka ah.

Kahor inta uusan noqon wasiir May 2024, Starovoit ayaa ahaa gudoomiyaha gobolka Kursk ee koonfurta Ruushka, isaga oo shaqada ka tagay ka hor dagaalkii Ukraine, xilli lagu eedeeyay fashilka amni ee gobolka Ruushka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

8 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

10 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

13 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

13 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago