GUDAHA/wararka

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Puntland

Taliska ciidanka Mareykanka ayaa xaqiijiyay iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya in ay duqeymo ka fuliyeen deegaanno meel koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Daacish, isla markaasna khasaare la gaarsiiyay.

“Duqeyntani waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AFRICOM in laga hortago khatarta Daacish, isla markaasna ay sii wadi doonaan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.

Sidoo kale, Africom ayaa xaqiijisay in la hubiyay goobaha laga fuliyay duqeymaha, isla markaasna aysan cid shacab ah khasaare ka soo gaarin.

Taliska ciidanka Mareykanka iyo Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay duqeymaha ay iska kaashanayaan ee ay ka fuliyaan gudaha dalka.

Mustaqbal

 

MM News

Recent Posts

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

17 mins ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

2 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

2 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

3 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

17 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

19 hours ago