GUDAHA/wararka

SSC Khaatumo “Nolol haddii ay hesho Laascaanood, ma ahan in Garoowe khatar galeyso”

Waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka socota qaban qaabada shir looga hadlayo dhismaha dowlad goboleed ay yeeshaan gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Wasiir ka tirsan Maamulka SSC Khaatomo qeybna ka ah Guddiga qaban qaabada shirarkaan ayaa sheegay in ergo ka socda gobolka Sanaag ay ka qeyb galayaan shirarkaan.

Sidoo kale, guddiga ayaa u jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo la xiriiray in Maamulka SSC Khaatumo ku ekaado deegaannada uu maamulo.

“Nolol haddii ay hesho Laascaanood, ma ahan in Garoowe khatar galeyso, waxaa jira been abuur shisheeyaha ka faafino SSC Khaatumo” ayuu yiri mid kamid ah Mas’uuliyiinta SSC Khaatumo.

Dhaqdhaqaaqyo ayaa ka socda gobolka Sanaag oo ay wada maamulaan Somaliland iyo Puntland oo mid kasta diidan yahay in la dhiso dowlad goboleed ay ku mideysan yihiin gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

45 mins ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

17 hours ago