GUDAHA/wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo hortagaya Baarlamaanka si wax looga weydiiyo Hooyo Ku hor foolatay Isbitaalka Banaadir

Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo la kulmay Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Horumarinta Adeegga Bulshada la wadaagay macluumaadka la xiriira Haweeney ku hor foolatay Isbitaalka Banaadir isla markaana weysay daryeelkii ay u baahnayd.

Xubnaha Guddiga ayaa Su’aalo weydiiyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya sida waxyaabaha uu kusoo arkay markii uu dib u raad-raacay kaamirooyinka Isbitaalka Banaadir, tallaabadii uu qaaday iyo su’aalo kale oo hoos imaanaya dhacdadii gilgishay Baraha Bulshada ee dhowaan ka dhacday Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka.

Wasiir Cali Xaaji ayaa sheegay in khalad ka dhacay Isbitaalka Banaadir uu ahaa in la dhayalsado wareejinta Bukaanka xaaladdiisa la qiimeeyay iyada oo aanay lagu darin Gaadiidka Gurmadka Degdega ah laguna hubsan goobta Caafimaad ee ku habboon daryeelkeeda sida uu hadalka u dhigay.

“Kiiskaas khaladaad dhacay oo aan qirayno ayaa jira, Gabadh ayaa xili dambe oo saq dhexe ah la keenay isbitaalka, markii la geeyay qolka gargaarka degdega ah waxaa usoo baxay labo gabdhood oo umulisooyin ah oo heeganka ku jiray, kaamiradda waxa aan ku aragnay Gabadh kasoo baxday oo wiilashii keenay ku dhahday gabadhaan Isbitaalka Kalkaal geeya” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadan.

“Waxa aan qireynaa qaabka xawilaadda (Referral) loo maray inay qalad ahayd oo la baalmaray hannaanka isbitaalka, waxa ay ahayd in gargaar loo fidiyo, lala tashado dhaqtarka shaqada ku jiray oo ma ahayn in gabadh umuliso ah ay go’aamiso, dhacadu waxa ay dhacday 26kii Oktoobar, Isbitaalka oo hoostaga Wasaaradda Caafimaadka nalama soo wadaagin, waxa aan ogayn neefbixiyaasha uu shaqeynaya mana jirto warbixin nanala soo wadaagay” Ayuu yiri sii raaciyay hadalkiisa Wasiirka Caafimaadka XFS, Dr Cali Xaaji Aadan.

Waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay hortagista Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wakiil ka ah Shacabka si uu ula wadaago warbixin dhammaystiran oo la xiriirta kiiskaan, tallaabooyinka ay qaadeen iyo qorshooyinka uu ku howlgallo Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir oo si toos ah u hoostaga Wasaaradda Caafimaadka XFS.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

2 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

5 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

5 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

7 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

7 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

21 hours ago