GUDAHA/wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo la horgeeyay Askar ku eedeysan dhac & dhaawac ay gaysteen

Maxkamadda derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa la horgeeyay labo askari iyo wade Mooto Fekon oo ku eedeysan in ay dhac ka gaysteen Deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo mid kamid ah askartaas oo bam gacmeed qarxiyay sababay dhaawac sarkaal katirsan ciidanka Booliiska.

Askartaan oo la socotay mooto noocda labada lug leh ayaa lagu eedeeyay in ay qaateen in ka badan 4 Telefoon iyaga oo dhacay Macallin Dugsi qur’aan iyo arday, wargelin lala wadaagay Saldhigga Booliiska Ceelasha waxaa suuragashay in lasoo qabtay Raggaan oo gacmaha hay’adaha ammaanka galay sida hadalka loo dhigay.

Mid kamid ah askarta ayaa la sheegay in uu diiday wareejinta qorigii uu watay, markii cadaadis la saaray kaddib waxa uu wareejiyay qorigiisa, balse bam gacmeed ku jirtay booshka qoriga ayuu ka jaray gaanjada waxaana ka dhashay dhaawac soo gaaray sarkaalkii hoggaaminayay ciidanka booliiska ah ee qabtay sida maxkamadda laga hor sheegay.

Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta, Difaaca Qareennada, Dhibbanayaasha, Ciidankii qabtay, Eedeysanayaasha qudhooda iyo Baaraha Kiiskaan wakiilka uga ah Laanta dambi baarista Booliiska ee C.I.D. si ay u hesho caddaymaha dheeraadka ah ay u baahan tahay.

Gunaanadkii, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Maxkamaddu go’aan kasoo gaari doonto kiiskaan maadaama ay dhagaysatay Xeer Ilaalinta, Qareennada Difaacaya eedeysanaaysha iyo dhammaan dhinacyada kale ee ku lugta leh kiiska.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

2 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

5 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

8 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

8 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

9 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

9 hours ago