Wasiirka Arrmaha Dibadda Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajo ku matalay Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wakiil ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka qayb galay Shir Madaxeedka Carbeed ee looga hadlayo hadlayo dhaqaalaha ee ka furmay Magaalada Beyruut ee Dalka Lubnaan.

Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa ayaa kamid ahaa Madax ka kala socotay Dalalka Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Inta kulanka uu socday waxaa looga hadlay 29-qodob oo loo gudbiyay Guddiyada u xil saaraan ajendayaasha iyo qaban qaabinta Fadhiyada guud iyo kan gaarka ah.

Si gaar ah waxaa diiradda lagu saaray Dhaqaalaha, Bulshada, Istiraatiijiyadda Cunnada, Tamarta, Saboolnimada, Ilaalinta Haweenka iyo kuwo kale.

Madaxda ka qaybgashay fadhiga waxa ay ka hadleen sida lagu xalin karo Caqabadaha ka jira Dalalka Xubnaha ka ah Jaamacadda Carbeed oo qaarkood dhibaatooyin ka jiraan.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Murataaniya ayaa ka maqnaa shirka, lamana sheegin sababta ay ugu baaqdeen ka qaybgalka shirkaan.

Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta waxaa Bar-bar socda mid gaar ah oo u dhaxeeyay Wasiirada Maaliyadda Dalalka Xubnaha ka ah Ururkaan, waxa ay kaga hadlayeen Deen Cafinta Soomaaliya iyo Dhaqaale u raadinta Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo fadhiga Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.
Madaxdii ka qaybgashay Shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Beyruut.
Mustaqbal media

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

4 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

5 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

8 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

8 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

20 hours ago