Sidee buu qofka mas’uulka ah ugu dhiiradaa Hantida Dadweynaha? Dhageyso Qiso dhacday!

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta Maamulka Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay in uu la xannuunsanayo Lacago dadweyne oo uu cunay.

Maxamed Jaamac oo ka xog warramayay Qiso ku dhacday ayaa sheegay in uu Xannuunsaday kadib markii Hantida Dadweynaha uu cunay.

Dhaqtar ayuu sheegay in uu u tagay si uu u ogaado Nuuca Xannuunka hayo, markii uu maray baarisne loo sheegay in Kellida Dhagax ugu jirto, isla markaana uu qabo Dhiig-kar.

Xannuunadaas laga sheegay ayuu tilmaamay in uu kasoo bogsanayo, balse waxa uu eedsanayo ay tahay Xowlo Dadweyne oo uu cunay mudadii uu hayay Xafiiska Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Somaliland.

Sababta keenta in lagu dhiirado ku tagri falka hantida Dadweynaha waxa uu sheegay in ay kala badan yihiin Baahida Wasiirka iyo Lacagaha loo qoondeeyay in uu qaato.

Shacabka waxa uu ka dalbaday in ay cafiyaan, maadaama uu ku dhiiraday in uu la wadaago Qisada Natiijada uu ka dhaxlay Xowlihii uu ka cunay, isaga oo sheegay in aan dib u qaban doonin Mas’uuliyad, si uu ugu fogaado waxa uu soo arkay.

Waa dhacdo ugub ah in bulshada ay maqnaan qof Xil haya ama soo qabtay oo cafis kaga dalbanaya kadib markii uu si gaar ah u istaacmaalay hanti dan guud ah.

Halkaan ka dhageyso Codka Maxamed Jaamac Wasiirkii hore Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland oo ka Xog waramaya Qisada uu la kulmay.

Mustaqbal media

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

18 hours ago