GUDAHA/wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulamo looga hadlayo dhismaha Maamulka SSC ka wada Laascaanood

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa magaalada Laascaanood ka wada kulamo looga hadlayo dardar galinta dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Wasiirka ayaa la kulmay siyaasiyiinta iyo hoggaanka dhaqanka SSC-Khaatumo, isagoo kala hadlay nabadeynta, midnimada iyo dib u heshiisiinta deegaanka.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in dhammaan kulamadaasi la isku fahmay, isla markaasna dhawaan la qaban doono shir waynaha dhismaha dowlad goboleedka SSC Khaatumo.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka socda qaban-qaabada qabashada shirwaynaha oo dib u dhac uu ku yimid, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta maamulka SSC Khaatumo.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago