Xafiiska hantidhowrka guud ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo maxkamadda xisaabta ee jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is af-garad ah.
Hishiiska ay gaareen labada hay’adood ayaa ku saabsan qodobo dhowr ah oo ay ka midyihiin; is dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xariirta man-hajka iyo habraacyada fulinta Hantidhowris madaxbannaan iyo korjoogteynta hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud ee Qaranka,
Sidoo kale labada hay’adood isla gartay wadaagista waaya-aragnimada la xariirta Baarisyada waxqabadka, u Hoggaansanaanta Sharciga, Nidaamyada Macluumaadka Teknolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.
Qodobada kale waxaa ka mid ah Suuragelinta iyo fududeynta waxbarashada Masters-ka iyo PhD ee la xiriirta Maaddooyinka Sharciga iyo Xeer-dejinta, Dembiyada Maaliyadda, Caddaaladda Dembiyada, IT-ga, Xisaabaadka, Dhaqaalaha, Tiro-koobka, Baarisyada Waxsoosaar Khayraadka, Baarista iyo ka Warbixinta Maamulka Miisaaniyadda Guud.
Taageeridda horumarka Unugyada Baarista Waxsoosaar Khayraadka, dabagalka Natiijada Warbixinnada iyo Tala-soojeedinnada Hantidhowrka, Isku-xirka Hantidhowrista kala duwan iyo xoojinta fahamka waxtarka Mabdiida Hantidhowrista.
Taabagalidda heshiiskan ayaa la filayaa in ay sara u qaado xirfadaha hantidhowrka Soomaaliya si loo helo Hantidhowris madaxbannaan oo xirfad sare ku dhisan.
Munaasabadda heshiiskan lagu kala saxiixday waxaa goobjoog ka ahaa Hantidhowraha guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Guutaale iyo dhiggiisa dalka Turkiga Metin Yener.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…