Fallanqayn aragtiyada salka u ah Siyaasadda caalamiga ah (International Politics)

Dunida waxaa ka alloosan xiisad, colaad iyo qalqal, dalkii dunida ugu awoodda badnaa ayay inta badan ka soo baxayaan, sharciyo, amaro iyo goodis dunida inteeda badan qalqal ku haya. Saddex aragti siyasaadeed oo lagu barto siyaasadda caalamiga ah haddii aadan wax ka fahamsaneeyn, waad ku jahawareeraysaa waxa dunida ka socda maanta. Si aad u fahanto gunta qilaafaadka siyasadeed ee caalamka bal dhammeyso qormadaan hoose, oo ku qotonta cilmi baaris aqooneed oo suggan.

Aragtida Suuragalka (Realism Theory)

Aragtida  Realism-ku waa mid ka mid ah aragtiyaha ugu faca weyn uguna saameynta badan ee lagu sharxo siyaasadda caalamiga ah (IP). Realism-ku wuxuu aaminsan yahay in nidaamka dunida uu yahay mid si foowda ah u qaabeeysan (anarchically structured) oo aan lahayn awood dhexe oo ka talisa ama ku khasbi karta dawladaha in ay u hoggaansamaan sharciyo ama heshiisyo caalami ah. Taasi micnaheedu ma aha in dunidu tahay meel foowda ah, balse waxay la macno tahay in dunida aysan ka jirin hal dowlad oo wada xukunta.

Dawladuhu waa kuwo gooni u taagan, mid walbana si madax-bannaan ayey uga talisaa arrimaheeda, mana jiro hay’ad awood u leh in si buuxda u maamusho ama u ciqaabto marka ay jebiyaan heshiisyada ama xeerarka caalamiga ah.

In kasta oo ay jiraan xeerar caalami ah iyo maxkamado dunida ka jira , sida Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, haddana fulinta sharciyadan way adag tahay, saddex sabab awgeed:

  • Dawladuhu waxay leeyihiin madax-bannaani buuxda, waana iyaga keliya kuwa go’aamin kara waxa ka dhaca dhulkooda
  • Waxaa jira mabda’a ah in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dal kale
  • Dunidu ma laha dowlad dhexe oo caalami ah (Supreme world government) oo awood u leh inay qasab ku fuliso xeerarka ama ciqaabta jebintooda.

Sidaa darteed, dawlad kastaa waxay u shaqeysaa si madax-bannaan, iyadoo difaacanaysa danaha ay u aragto in ay muhiim u yihiin jiritaankeeda.

Realism-ku wuxuu qabaa in nidaamkan fowdada ku saleysan uu si dabiici ah u abuurayo tartan iyo loollan u dhexeeya dawladaha. Realist-yaashu waxay qabaan in dawlad kastaa ay ku khasban tahay in ay ilaaliso ammaankeeda, kana fakarto sida ay u kororsan karto awood ciidan, dhaqaale, saameyn siyaasadeed ama xulafeysi istaraatiji ah. Yoolka ugu dambeeya ee doowlad kasta oo awood leh waa in ay hesho saamiga ugu weyn ee awoodda caalamiga ah si ay u xukunto dunida ama ugu yaraan uga badbaado Qatar amni.

Realism-ku ma aha aragti mid ah oo kali ah; waxaa jira laba laamood oo waaweyn: Classical realism iyo Neorealism. Classical realism waxay salka ku haysaa fikirkii faylasuufyadii waqtiga hore sida Thucydides, Machiavelli, iyo Hobbes, kuwaasoo rumeysanaa in dadka iyo dawladahu labaduba ay leeyihiin rabitaan dabiici ah oo ah in ay wax xukumaan oo ay kasbadaan awood (an innate desire to dominate others).

Qoraayaal sida Hans Morgenthau ayaa qabay in dawladuhu sida qofka oo kale ay u leeyihiin dano shakhsiyadeed iyo rabitaan xukun. Dhanka kale, neorealism-ka oo uu hormuud u yahay Kenneth Waltz wuxuu xoogga saaraa qaab dhismeedka nidaamka caalamiga ah halka uu ka eegi lahaa dabeecadda aadanaha. Waltz wuxuu ku doodaa in sababta dhabta ah ee keenta tartanka iyo loollanka dawladaha aysan ahayn rabitaanka awood ee dadka, balse ay tahay qaab-dhismeedka nidaamka caalamiga ah ee aan lahayn awood dhexe (anarchic structure). Sidaas darteed, dawlad walba waxay ku khasban tahay in jiritaankeedu uu ku tiirsanaado awoodeeda, waayo cid kale ma jirto oo u dammaanad qaadi karta nabadgelyadeeda.

Waxaa jira saddex arrimood ama aragtiyadeed oo mideeya dhammaan qaybaha kala duwan ee Realism-ka, kuwaas oo loo yaqaan 𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅 xagalka 𝗦:-

  1. Dawladnimo (𝗦𝘁𝗮𝘁𝗶𝘀𝗺): Dhammaan aqoonyahanada aragtidaan waxa ay amminsanyihiin in doowladdu tahay jilaaga ugu muhiimsan siyaasadda dunida (state is the main actor in international politics), madax banaanida dhuleedna ay tahay lama taabtaan.
  2. Jiritaan (𝗦𝘂𝗿𝘃𝗶𝘃𝗮𝗹): Madaama ay aminsanyihiin in dunidu tahay keeyn sharci la’aan ah, waxa ugu muhiimsan ee dal ka fakaro waa sida uu ku jiri lahaa. Realist-yaashu waxay qabaan in dawlad walba ay waajib ku tahay in ay jiritaankeeda ilaaliso, xitaa haddii ay taasi keeneyso in ay la dagaallanto dawlad kale ama ay xitaa waxyeelayso dadkeeda.
  3. Isku filnaasho (𝗦𝗲𝗹𝗳-𝗵𝗲𝗹𝗽): Maaddaama ay aminsanyihiin in dunidu foowdo tahay waa in aad ku tiirsanaato naftaada oo aysan jirin cid kale oo aad isku haleeyso, waa halka reer mudugu ka dhahaan “xaniinyahaaga fuul ”.

Aragtidani waxa ay aaminsantahay ma taqaanid waxa ku jira maskaxda saaxiibkaa, sidaa darteed shar ka filo. Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa ee keyb la yuurar ahaaw. Mid ka mid ah qorayaasha aaminsan fikirkaan oo ameerikaan ah ayaa qoray “If You Want Peace, Prepare for Nuclear War”, haddii aad nabad rabto u diyaar garoow dagaal nukleeyr, oo uu ula jeedo nabad lama baryo, ee shan farood iyo calaacal ayaa lagu keensadaa.

Aragtida Dabar la’aanta (Liberalism Theory)

Liberalism waa aragti siyaasadeed oo qabta in nabad, horumar, iyo iskaashi caalami ah ay suurtagal yihiin haddii dawladaha iyo bulshooyinka ay yeeshaan xiriir furan oo ku saleysan cadaalad, dimuqraadiyad, iyo wadajir. Tani waxay si weyn uga duwan tahay aragtida Realism-ka, taas oo u aragta dunida meel uu ka jiro tartan joogto ah oo dawladuhu ku loollamayaan awood iyo amni. Halkii dagaal iyo cabsi laga baqi lahaa sida ay Realist-yaashu qabaan, Liberalism-ku wuxuu aaminsan yahay in la abuuri karo nidaam caalami ah oo lagu wada shaqeeyo, laguna saleyn karo kalsooni, xushmad iyo is-dhexgal.

Liberalistayaashu sidoo kale waxay aaminsanyihiin in dunidu isku sidkantahay (interdependent). Taasi micnaheedu waa in wixii meel ka dhaca ay saameyn ku yeelan karaan meelo kale. Colaado, cuduro, ama dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhaca hal dal, waxay si toos ah u taaban karaan dalal kale, taasoo muujinaysa baahida loo qabo iskaashi iyo xalal wadajir ah.

Intaa waxaa dheer, Liberalism-ku uma arko dawladaha oo keliya inay yihiin jilayaasha hoggaamiya siyaasadda caalamiga ah. Waxay muhiimad siisaa hay’adaha aan dawliga ahayn, ururrada caalamiga ah, shirkadaha waaweyn, iyo xitaa shakhsiyaadka saameynta leh. Qaramada Midoobay, iyo hay’ado kale ayaa loo arkaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan xasillinta dunida iyo ilaalinta nabadda.

Mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee aragtida Liberalism-ka waa in nabadda lagu hanan karo dimuqraadiyad. Fikraddan waxaa seeska u dhigay faylasuufkii Jarmalka ahaa Immanuel Kant, oo ka mid ahaa maskaxdii hormuudka u ahayd fikirka Liberalism-ka ee waqtigii iftiiminta Yurub. Kant waxaa lagu xusuustaa in uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee si nidaamsan u horumariyay ajandaha fikradaha Liberalism-ka, gaar ahaan buuggiisa caanka ah ee la yiraahdo Perpetual Peace (Nabadda waarta).

Kant wuxuu ku dooday in si loo gaaro nabad waarta loo baahanyahay in la buuxiyo saddex shardi:-

  • Shardiga kowaad:- waa in dal walba uu qaato dastuur dimuqraadi ah oo awoodda lagu saleeyay rabitaanka shacabka, isla markaana shacabku uu dawladda la xisaabtamo.
  • Shardiga labaad:- waa in dawladaha ay dhistaan heshiis caalami ah oo wadajir ah oo si rasmi ah u diidaya dagaal, una beddela is-faham iyo iskaashi.
  • Shardiga saddexaadna:- waa in bulshada caalamka laga hirgeliyo akhlaaq guud oo bini’aadantinimo ku dhisan (Cosmopolitan morality), taasoo ku saleysan sinnaan iyo ixtiraam dhammaan dadka, meel kasta oo ay joogaan.

Fikradaan waxaa qarnigii 20-aad sii horumariyay Michael Doyle, gaar ahaan 1980-meeyadii, isagoo xoojinaya aragtida loo yaqaan Democratic Peace Theory (Aragtida nabdoon)– taasoo ku doodaysa in dalalka dimuquraadiga ah ay ka nabad badanyihiin kuwa kaligii talisyada. Sidoo kalana ku doodaysa in uusan taariikhda dal dimuquraadi ah uusan dagaal la galin dal kale oo dimuquraadi ah. Aragtidan waxay ku saleysan tahay in dimuqraadiyaddu ay dhaliso hufnaan, kalsooni, iyo isla xisaabtan, taasoo meesha ka saarta sababaha keena dagaalka.

Liberalism-ku wuxuu leeyahay saddex laan oo muhiim ah. Laanta koowaad waxay sheegaysaa in isku-tiirsanaanta dhaqaale (Economic interdependence) ay yaraynayso suurtagalnimada dagaal, maaddaama dagaalku uu dhaawacayo danaha dhaqaale ee labada dhinac. Laanta labaad waxaa lala xiriiriyaa fikraddii Madaxweynihii hore ee Mareykanka Woodrow Wilson, oo rumeysnaa in faafinta dimuqraadiyaddu ay tahay furaha nabadda caalamka. Laanta saddexaad waa awood siin kaalinta ay hay’adaha caalamiga ah ka ciyaaraan sugidda amniga dunida, xallinta khilaafaadka, iyo horumarinta iskaashi caalami ah

 Aragtida Asal raaca ee Maarkis: (Marxism Theory)

Aragtida Marxism-ka waa mid ka mid ah saddexda aragti ee ugu weyn ee lagu barto siyaasadda caalamiga ah, iyadoo si gaar ah uga falcelisa aragtiyaha Realism-ka iyo Liberalism-ka. Halka Realism-ku uu xoogga saaro awoodda dawladaha iyo loollanka amni, Liberalism-kuna uu rajo ka muujiyo iskaashi iyo dimuqraadiyad keeni karta nabad iyo horumar, Marxism-ku wuxuu si qoto dheer u eegaa qaab-dhismeedka dhaqaale ee nidaamka caalamiga ah. Aqoonyahanka aragtidani waxa ay aaminsanyihiin in khilaafaadka dunida iyo sinnaan la’aanta ka jirta aysan ahayn wax ka dhashay amni la’aan ama sharci la’aan, balse ay tahay natiijo ka dhalatay nidaamka dhaqaale oo caddaalad-darrada ku dhisan oo loogu yeero raasamaalka (Capitalism).

Marxism-ka waxaa sal u ah fikirka Karl Marx, oo ahaa faylasuuf Jarmal ah oo qarnigii 19-aad soo baxay. Marx wuxuu aaminsanaa in taariikhda bulshooyinka laga akhrisan karo iyada oo la fahmayo xiriirka u dhexeeya hantida (Capital) iyo shaqada (Labor). Tani waa waxa loo yaqaan historical materialism (Asal-raacidda walxaha)— aragti sheegaysa in isbeddelada bulshada ee dhanka siyaasadda, sharciga iyo xukunka ay salka ku hayaan qaabka ay u dhisan tahay hantidu: yaa leh, yaase shaqeeya. Marx wuxuu yiri, cidda haysata hantida ayaa xukunta bulshada, nidaamka raasumaalkuna wuxuu si joogto ah u abuuraa kala sarayn bulsho.

Sidaas darteed, Marxist-yaashu waxay ku doodaan in dawladuhu aysan dhab ahaan u matalin danta guud ee shacabka, sida ay ku doodaan aragtiyaha Realism-ka iyo Liberalism-ka, balse ay yihiin aalad ay dabaqadda hantida haysta u adeegsato ilaalinta danahooda gaar ahaaneed. Aqoonyahanka Robert Cox, oo ka tirsan fikirka Marxist-ka, ayaa arrintan sii xoojiyay isagoo ku dooday in aragti kasta ay u adeegto cid gaar ah iyo ujeeddo gaar ah: “theory is always for someone and for some purpose.” Wuxuu ku dooday in aragtida Realism-ka oo sheegta in ay xaqiiqada sida ay tahay u sawirto, ay dhab ahaantii tahay hab lagu sharciyeeyo laguna ilaaliyo nidaamka galbeedka ee gacanta sare ee hadda dunida ka taliya.

Marxism-ka casriga ah wuxuu adeegsadaa fikradda dependency theory (aragtida ku tiirsanaanta), taas oo tilmaamaysa sida dhaqaalaha caalamiga ahi (Global economic system),  u yahay mid ku dhisan cadaalad darro iyo kala sarayn. Fikraddani dunida waxa ay u kala qeybisay saddex qaybood:

  • Core countries: Dalalka hodanka ah ee horumaray sida Maraykanka iyo Yurub,
  • Periphery countries: Dalalka saboolka ah ee laga soo gurto (raw-materiall) sida Afrika iyo qaybo badan oo Aasiya ah
  • Semi-periphery countries: Dalalka horumaraya sida Brazil ama Hindiya oo mararka qaar si gaar ah uga faa’iidaysta nidaamka.

Fikraddan waxay muujinaysaa in dalalka hodanka ahi ay si joogto ah u sii haystaan faa’iidada dhaqaale iyo midda fikradeed, iyagoo adeegsanaya sharciyo, suuqyo, iyo hay’ado caalami ah oo u muuqda kuwo caddaalad ah balse dhab ahaantii u adeega danaha kuwa xoogga leh. Tusaale ahaan, farqiga u dhexeeya qiimaha waxyaabaha ceeriin ee laga helo dalalka saboolka ah iyo qiimaha alaabada laga sameeyo waxyaabaha ceeriin ee dunida faqriga ah laga soo saaro, ee lagu farsameeyo wadamada horumaray waa mid sii kordhaya waqtiba waqtiga ka danbeeya.

Tusaale la taaban karo oo arrintan xaqiijinaya ayaa ah warbixintii Oxfam ee 2019, taasoo lagu sheegay in 26 da qof ee ugu taajirsan dunida ay haystaan hanti la mid ah tan ay wada haystaan 3.8 bilyan oo qof, taasoo ka dhigan kala bar dadka dunida ku nool. Tani waxay si muuqata u muujinaysaa in nidaamka dhaqaale ee hadda jira uu u adeegayo koox yar, halka inta kale ee badan ay la ildaran yihiin saboolnimo iyo shaqo la’aan. Xarunta Oxfam waxa ay si sanadla ah u siideeysaa warbixin ka hadasho kala saraynta dhaqaale iyo faqriga sii kordhaya ee dunida, maalin ka hor inta uusan furmin shirka sanadlaha ah ee maalqabeenka adduunku ku kulmaan magalada Davos ee dalka Switzerland.

Aragtida Marxism-ka waxay sidoo kale tilmaamaysaa in saboolnimadu aysan ahayn xaalad dabiici ah oo iska abuurantay, balse ay tahay wax si ula kac ah loo abuuro loona joogteeyo. Suuqa xorta ah ee ay Liberalist-yaashu taageeraan, Marxist-yaashu waxay u arkaan mid si toos ah u kala sareeysiiya dadka. Sidaas darteed, Marxism-ku wuxuu dhiirrigelinayaa in laga horyimaado nidaamkaas cadaalad-darrada ah lana saxo.

_________________________________________________________________

WQ: Bashir Cali Xaashi, oo ah­­­ Cilmi-baare ku xeeldheer horumarinta bulshada iyo magaalooyinka.

Kala xiriir: Bashkacali8@gmail.com

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago