Wasiir Warfaa: “dowladda sanadkan waxaa ay sameyn doontaa shaqo abuur badan”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xirsi warfaa oo ka hadlayay Maalinta shaqaalaha adduunka oo ku beegan maanta ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo abuur loo sameynayo.

Hal ku dhigga sanadkaan waxa uu sheegay in uu yahay “Mideynta shaqaalaha, si loo hormariyo Bulshada iyo Dhaqaalaha.

Wasiir Sadiiq ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay, shaqo u sameynta dhalinyarada oo ah hogaanka Mustaqbalka.

Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii ay ugu soo kaban lahayd dhibaatada shaqo la’aanta, wadada loo mari karo ayuu sheegay in ay tahay shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada.

Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in door muuqda ay dhalinyarada ku leeyihiin hormarinta dalka, sidaas awgeed ay u baahan yihiin in shaqo loo abuuro, si ay noloshooda ugu kaafiyaan.

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa uu ka codsaday in ay gacmaha isku qabsadaan sidii ay ugu run sheegi lahaayeen shaqooyinka ay hayaan, si ay u tiigsadaan horumar iyo isbadal dalka u horseeda in dhaqaale wanaagsan uu yeesho sida uu hadalka u dhigay.

1-da bisha May sanad waliba waxaa dunida looga dabaal degaa maalinta shaqaale weynaha adduunka, waxaa laga fasaxaa goobaha ay ka shaqeeyaan, si ay ehelkooda maalintaan waqtigooda kula qaataan

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

9 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

11 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago