GUDAHA/wararka

Wasiir Fiqi “Heshiiska Difaaca ee Turkiga wuxuu noo sahlay diyaarado iyo gaadiid gaashaaman”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in Turkiga Soomaaliya ka taageerayo dagaalka AS, gaar ahaan in ciidanka ay heleen taageero isugu jirta saanad ciidan iyo tababaro. 

Fiqi oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay Wakaaladda Wararka ee Anadoule ayaa sheegay in is afgaradka dhinaca difaaca ee labada dal uu sahlay in si toos ah loo helo Taageerada Turkiga ee dhinaca Amniga.

Wasiirka wuxuu sheegay in Turkiga kaalin ka qaadanayo tababarka Ciidanka Gaarka ah ee ku sugan saldhiga TURKSOM, iyagoo lagu qalabeyn doono Diyaaradaha iyo gawaarida gaashaaman.

Iyadoo la raacayo heshiiska is-afgarad, Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya lagu tababarayaa Saldhigga Milatari ee TURKSOM” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa qiray in Amniga Caasimadda is badalay, isla markaasna uu ka duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii 2011 oo Madaxweynaha Turkiga booqasho ku yimid.

Xiriirka dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadii 2011-kii, waxaa dalka laga fuliyey mashaariic horumarineed oo ay ku baxday in ka badan 1 Bilyan.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

7 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

12 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago