GUDAHA/wararka

Wasiir Faarax Cabdulqaadir “Dadka dhahaya Jaamacadaha ayaa la qarxinayaa, balaayada ay afuufayaan waa mid ku kooban”

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xubnaha Mucaaradka ah ku eedeeyay in ay faafinayaan warar ka dhan ah Goobaha Waxbarashada iyaga oo ku tilmaamay in la qarxinayo.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in meesha ay ka billaabato maamulka Dowladnimada ay tahay in Dadka ay doortaan kuwa ku metalaya siyaasadda, isaga oo intaas ku daray in 25ka Bishaan ay qabsoomi doonno doorashada ‘Caddaynta u ah rabitaanka Shacabka’ sida uu yiri.

Waxa uu tilmaamay in arrimahaan oo kale aanay hadda billow ahayn isaga oo tusaale usoo qaatay muddo kahor in ay jireen dad dhaliilayay dhismaha goobaha Waxbarashada balse dib ay ka ogaadeen in aan la hor istaagi Karin horumarka.

“Kuwa dhahaya Dalka ayaa la qabsanayaa & kuwo dhahaya Jaamacadaha ayaa la qarinayaa, waxa aan hubaa haddii ay farxaddiina arki lahaayeen in balaayada ay afuufayaan in ay ku kooban tahay ayay arki lahaayeen,” ayuu yiri Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare XFS.

Shacabka codaynaya ayuu sheegay in ay berri arki doonnaan dadka diidan doorashadaan oo ka qoomamayna, waxa uu soo jeediyay in la kala qaado danta gaarka ah iyo tan guud, Shacabka Gobolka Banaadirna ay kala saari karaan qofka dantooda ka shaqaynaya iyo kan diidan sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ay hadda billaabeen in ay dhahaan haddii aad doorataan guddoomiyeyaashiina dadka waala beegsanaa, qof ayaa doonaya in uu dadka ka dhaadhico Dowladdu ma fiicno, Dowladdu waxa ay leedahay anagu ma fiicninee, idinkaa wanaagsanee ee soo doorta kan idiin wanaagsan ee qashinka idinka qaadi lahaa, oo kii aad la xisaabtami lahaydeen soo doorta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Qaar kamid ah Goobaha Waxbarashada ee Gobolka Banaadir waxaa ka socda bixinta kaararka codaynta, waxaa arrintaas dhaliilay xubnaha Mucaaradka, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ugu dambayn maanta ka falceliyay eedahaas loo jeediyay Wasaaraddiisa.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago