Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in Rajada keliya ay Soomaaliya qabto ay tahay in ay lasoo baxdo Batroolkeeda si ay uga faa’iidaysato si lamid ah dalalka kala duwan ee Caalamka.
Daahir Shire ayaa sheegay in muddo dheer laga soo shaqaynayay sharciyada iyo sahminta Batroolka Soomaaliya, waxa uu carrabka ku adkeeyay in dhul baaxad wayn la sahmiyay kaas oo rajo wayn geliyay ummadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Daahir ayaa intaas ku daray in shuruucdii Baydhabo lagu gaaray looga heshiiyay qaybsiga faa’iidada ka imaanaysa Batroolka Soomaaliya, taasina ay fududaysay in la guda galo howsha sahminta ah ee lagu gaaray heer loogu diyaargaroobayo qodista shidaalka Dalka.
“Isha keliya ee Rajada Soomaaliya ay qabto waa in Batroolkeeda lasoo baxdo, heerar kala duwan ayuu soo maray shuruucda Batroolka Soomaaliya, Markabka qodoya Shidaalka waxa uu kamid yahay kuwa ugu casrisan ee xiligaan jooga” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Daahir Shire Maxamed
Muddo ayuu sheegay in la hadal hayay baarista lagu sahminayo batroolka Soomaaliya oo ugu dambayn lagu guulaystay haatan waxa dhiman uu yahay sidii loosoo saari lahaa iyada oo arrintaas xoogga ay saartay Dowladda Turkiga oo heshiisyo kala duwan kula jirto Soomaaliya.
“Haddii la joogi jiray waala sahminaa, maanta waxaa la taagan yahay waala qodaa Batroolka Soomaaliya, Dhabbaha Barwaaqada ayaa lugaha saarnay waana gaaraynaa insha allaah, Soomaali mid ah aan samayno” Sidaasi waxaa hadalkiisa sii raaciyay, Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta XFS, Daahir Shire Maxamed.
Dhowaan Dalka Turkiga waxaa kasoo ambabaxay Markab soosaaraya Shidaalka Soomaaliya, waxa uu safarkiisa dhinaca Badda uu qaadanayaa ilaa 45 cisho, waxaa kasoo hormaray qalabka kale ee muhiimka u ah amnigiisa iyo fududaynta shaqadaas uu qabanayo.
Mustaqbal
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…