Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa uu Magaalada Jidda ee dalka Sucuudigfa kula kulmay Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Sucuudiga Faisal Bin Farhan Bin Abdallah.
Kulanka labada wasiir ayaa looga hadlay iskaashiga labada dowladood, sii wadidda xiriirka labada dhinac, iska kaashiga xaaladaha gobolka ee amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka.
Sidoo kale kulanka ayey labada wasiir uga hadleen siyaabaha lagu gaari karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh, Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga iyo isku duwista arrimaha guud.
Axmed Ciise Cawad ayaa ku sugan Magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga halkaas oo uu kula kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Sucuudiga.
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…