Waaxda Gurmadka Deagdegga ah ee Maagalada Muqdisho ayaa maanta soo saaray meydka Gabar 15 jir ahayd oo uu xalay ku dumay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.
Guriga dumay oo ku yaalla Degmada Boondheere ayaa waxaa xalay laga badbaadiyay laba qof oo uu ku dumay,waxaana saaka la soo helay meydka Gabadha 15jirka ahayd ee uu xalay ku dumay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Finish iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka ayaa maanta tagay goobta laga soo saaray meydka Gabadha uu guriga ku dumay.
Cumar Finish ayaa ugu baaqay dadka ku nool Gobolka Banaadir in ay ka fogaadaan dhismayaasha Qadiimiga ah ee xilli roobaadka sidan oo kale u duma kuwaas oo uu had iyo jeer ka dhasho khasaare naf iyo maal leh.
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…