Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa baahiyay in Ciidamada difaaca Kenya ay la wareegeen amniga Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan.
Daily Nation oo xiganaya ilo ka mid ah Milatariga Kenya ayaa sheegay in Maxamuud ay Ciidamada Itoobiya u diideen in uu galo Magaalada Baladxaawo e Gobolka Gedo.
Wafdiga Maxamuud Sayid Aadan ayaa la dejiyay Hotel ku yaalla Mandheera, halkaas oo amaankiisa ay la wareegeen Ciidanka difaaca Kenya kuwaas oo sheegaya in ay sugayaan amaanka Madaxeyne ku xigeenka.
Sarkaalka la hadlay Daily Nation ayaa u sheegay in xogta intaas dhaafsan ay weydiiyaan Xukuumadda Nairobi,wargeyska ayaa xusay in uu la xiriiray Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya Paul Njuguna ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo Taleefanka Wargeyska.
Maamullada Beledxaawo, Dooloow iyo Luuq ayaa sheegay dhawaan in ay ku biireen dowladda Federaalka ah islamarkaana aysan hoostagin Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Dowladda Federaalka ah ayaa durba Ciidamadii degaannadaas u diiwaangelisay in ay ka mid noqdaan kuwa dowladda Federaalka ah hoostaga islamarkaana xuquuqdooda halkaas kahela.
Maamulka Jubaland ayaa laba jeer Bishan gudaheda dacwad ka gudbiyay Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISON kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay faragelin ku hayaan degaannada Jubaland dowladda Federaalka ee Soomaaliyana la ogtahay.
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…