Xildhibaan Maxamed Xasan idiris (Ganeey), oo kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka hadlay qoraalka fiidkii hore ee xalay uu soo saaray Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa ku dhawaaqay in uu buray islamarkaana laga laabtay Mooshinkii kadhanka ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, mooshinkan ayaa 92, xildhibaan oo kamid ah golaha shacabku waxa ay geeyeen xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka 9-December-2018.
Xildhibaan ganeey, ayaa sheegay iney xalka danta ka arkeen Xildhibaanada uu ku jiro ee Mooshinkaas isaga laabtay, Isagoo tilmaamay in wixii haatan ka danbeeya ay dib u bilaabanayaan Shaqooyinkii Baarlamaanka.
Xildhibaan Maxamed Xasan idiris (Ganeey), ayaa meesha ka saaray wararka la xiriiro inuu jiro heshiisyo hoose, Is afgarad iyo in xilal loo balanqaaday qaar kamid ah xubnihii mooshinka hor boodayay.
Xukuumada Ra’iisul Wasaare Khayre, ayuu sheegay ineysan maaro u heyn 92 Xildhibaan oo Mooshinka gudbisay markii hore.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Ganeey:
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…