Categories: GUDAHA/wararka

WAREYSI:  Magaca iyo astaantii calanka DDSI oo la bedalayo.

Madaxwaynaha cusub ee sida ku meel gaar ah xilka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya loogu magacaabay Mustafa Maxamed Cumar ayaa si rasmi ah uu shaaciyay maanta oo Khamiis ah in la bedalay magaca iyo astaantii calanka DDSI.

Mustafa, oo xilka loo magacaabay shalay ayaa daboolka ka qaaday in magaca cusub uu yahay “Somali State” kaasoo marka la Soomaaliyeeyo uu yahay Maamulka Soomaalida, isagoo tibaaxay in calanka dib loogu soo celin doono midka Shanta xidig ay ku jirtay.

Magacan cusub ayaa meesha ka saaray Ergaygii Itoobiya oo mudo ku larnaa ismaamulka Soomaalida oo la oran jiray “dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya”.

Sidoo kale, tani waxay ka dhigan tahay in calanka qaybta ay kaga jirta Hasha Geella ah oo u­keysiinaysa calanka midka dalka Itoobiya uu meesha ka baxayo, uuna dib ugu soo laabanayo midka Shanta Soomaaliyeed, oo ay gees kaga yaaliin midabada kala ah; Cagaar, Cadaan iyo Gaduud.

Gudoomiyaha ururka Hiil Shacab Xiis, ayaa Mustaqbal uga waramay, Waxa laga filan karo Madaxweynaha cusub iyo Go’aamada maanta ka soo baxay.

Mustaqbal media

Recent Posts

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 seconds ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

20 hours ago