Rag hubeysan ayaa duhurnimadii maanta laba qof oo rayid ah ku dilay deegaanka Maareeyaha oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa nin oday ah oo khudaar geyn jiray magaalada Xudur, Ninkan ayaa la dilay isaga oo saaran mooto bajaaj uu ku tagi jiray Xudur, Qofka kale ee la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil yar oo 12 sano jir ahaa.
Lama oga sababta loodilay ninka khudaarta ka ganacsanayay iyo wiilka yar laakin qaar kamid ah ehelada dhibanayaasha ayaa dilkaani ku eedeeyay Al Shabaab.
Magaalada Xudur waxay kamid tahay magaalooyinka ay go’doomiyeen Al Shabab.
Al Shabaab ayaa hadda ka hor gubay gaadiid xamuul oo badeeco kala duwan u waday dadka ku nool magaalada Xudur ee gobolka Bakool. Sidoo kale waxay horay u dileen ganacsato raashin geyn jirtay halkaas.
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…