Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.

Waxaa hoos u dhigay wararka la xiriirinaya in uu ka tagayo kooxda suuqa January isaga oo sheegay in uuna ka tagi doonin kooxda (Deportes Cuatro).

Kooxda Man City ayaa isha ku haysa saxiixa xiddiga daafaca garabka bidix uga ciyaara kooxda Real Betis ee Junior Firpo laakiin waxa ay tartan kala kulmaysaa kooxda Real Madrid (Mirror).

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Dominic Solanke ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Crystal Palace saacadaha soo socda ka hor inta uuna dhamaystirin heshiis amaah ah (Mail).

Xiddiga u ciyaara kooxda Lille ee Nicolas Pepe oo lala xiriirinayo kooxaha Arsenal, Man City iyo Barcelona ayaa alaabka u furay in uu xagaaga ka tago kooxda (Le Voix du Nord).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ac Milan amaahdana uga maqan Chelsea ee Tiemoue Bakayoko ayaa shaaca ka qaaday in laga yaabo in uu si toos ah ugu biiro Milan (MilanNews).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Chelsea (Calciomercato).

Kooxda Tottenham aya dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot (Paris United).

Kooxda Inter Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay Arsenal ku garaacdo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Gary Cahill (Sunday Express).

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago