GUDAHA/wararka

Wararkii u dambeeyay Xaaladda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay?

Xaaladda magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa maanta kacsan, ka dib markii halkaasi ay weerar ku qaadeen Askar taabacsan Hoggaamiyahii hore ee Koofur Galbed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay dowladda Federaalka saartay cunaqabateyn.
Rasaas ayaa laga maqlay gudaha magaalada, halkaas oo ay qeybo kamid ah ku sugan yihiin Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in Goobaha Ganacsiga ee ay xiran yihiin, isla markaasna uu hakad galay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.
Buurhakaba ayaa ku taalla gobolka Baay, waxaana ay qiyaastii 60 KM u jirtaa magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo laga helay khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay dagaalka.

Askartan taabacsan Laftagareen ayaa tan iyo bishii March ee sannadkan weeraro ku haya magaalooyinka dowlad goboleedka Koofur Galbeed, iyadoo lagu daray Liiska Argagixsada, ka dib markii Dowladda sheegtay in ay xiriir toos ah la leeyihiin AS, wallow ay dhinaca go’aankaasi beeniyeen.

Mustaqbal
MM Staff

Recent Posts

XFS oo soo dhoweysay jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha…

4 hours ago

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka rasmiga ah ee qabsoomidda doorashooyinka…

10 hours ago

Turkiga oo Diyaarado casri ah ka iibinaya dalka Spain

Turkiga ayaa la qorsheynayaa inuu dalka Spain ka iibiyo 15 Diyaaradaha Hurjet oo ah nuuca…

12 hours ago

Trump oo sheegay in la toogto dadka xogaha sirta ah u gudbiya Warbaahinta

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dadka xogaha sirta ah u gudbiya warbaahinta ay…

15 hours ago

Dagaal ka socda magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka…

15 hours ago

Turkiga oo Isbitaal cusub ka hirgalinaya Gobolka Shabeellada Dhexe

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan ayaa booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago meel…

1 day ago