GUDAHA/wararka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka rasmiga ah ee qabsoomidda doorashooyinka Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo doorashada Madaxweynaha loo asteeyay inay qabsoonto 15-ka May 2027.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu guddigu soo saaray maanta, doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la qaban doonaa 15-ka May 2027, iyadoo lagu saleeyay qodobka 112-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya muddada xil-haynta Madaxweynaha.

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaban doono 15-ka Abriil 2027, halka diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo codbixiyeyaasha la qorsheeyay inay bilaabato 1-da ilaa 22-ka Nofeembar 2026.

Jadwalka guddiga ayaa intaa ku daraya in soo gudbinta liisaska murashaxiinta Labada Aqal ee Baarlamaanka la qaban doono 22-ka Nofeembar 2026, halka liiska murashaxiinta Madaxweynaha la soo saari doono 27-ka Febraayo 2027.

Sidoo kale, guddigu wuxuu sheegay in liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha la soo saari doono 15-ka Maarso 2027, iyadoo la raacayo jadwalka ku xusan war-saxaafadeedka.

Shaacinta jadwalkan ayaa qeexaysa taariikhaha uu guddigu u asteeyay hannaanka doorashooyinka qaranka, gaar ahaan doorashada Madaxweynaha oo loo qorsheeyay 15-ka May 2027.

Mustaqbal
MM Staff

Recent Posts

XFS oo soo dhoweysay jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha…

4 hours ago

Turkiga oo Diyaarado casri ah ka iibinaya dalka Spain

Turkiga ayaa la qorsheynayaa inuu dalka Spain ka iibiyo 15 Diyaaradaha Hurjet oo ah nuuca…

12 hours ago

Wararkii u dambeeyay Xaaladda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay?

Xaaladda magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa maanta kacsan, ka dib markii halkaasi ay weerar…

13 hours ago

Trump oo sheegay in la toogto dadka xogaha sirta ah u gudbiya Warbaahinta

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dadka xogaha sirta ah u gudbiya warbaahinta ay…

15 hours ago

Dagaal ka socda magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka…

15 hours ago

Turkiga oo Isbitaal cusub ka hirgalinaya Gobolka Shabeellada Dhexe

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan ayaa booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago meel…

1 day ago