Wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudiga oo Maanta Muqdisho yimid.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socda Boqortooyada Sacuuidga oo uu hogaminayay Wasiiru Dowladaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Axmed Cabdulcasiis Qataan, waxaana socdaalka ku wehliyay mas’uuliyiin kale.

Diyaaradii waday wafdiga sacuudiga ka socday.
Wasiiru Dowladaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Axmed Cabdulcasiis Qataan

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Wasiiru Dowlayaasha Arrimaha dibadda iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Wafdiga sacuudiga ka socday iyo xubnihii Dowladda Federaalka ee soo dhoweey
Wafdiga sacuudiga ka socday iyo xubnihii Dowladda Federaalka ee soo dhoweey

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiiru Dowladaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Axmed Cabdulcasiis Qataan waxa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dowladood, isaga oo Madaxweynaha ku wareejiyay dhambaal uu ku waday Boqorka Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo oo xiligii uu la kulmayay wafdiga sacuudiga ka yimid Shabeelaha Hoose.
Wasiiru Dowladaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afkira Axmed Cabdulcasiis Qataan
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdiga ka socday Sacuudiga.
Wasiiru Dowladaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afkira Axmed Cabdulcasiis Qataan iyo Madaxweyne Farmaajo
Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago