Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran

Dadka Magaalada Muqdisho ayaa qaarkood saaka lugeynaya iyada oo ay xiranyihiin qaar ka mid ah Waddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho.

Dadka ku imanaya Waddada dhinaca Ex-koontarool Afgooye ayaa ka soo lugeynaya Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale xiran Waddada ka timaada dhinaca Madiina,halkaas oo iyana dadka ay lugtooda maalayaan.

Waddada ugu muhiimsan ee Muqdisho oo ah Waddada Maka Al-Mukarrama ayaa iyadu guud ahaan xiran,waxaa sidoo kale xiran dhamaan Waddooyinka ku dhaca waddadaas.

Ilaa hadda dowladda Soomaaliya ma sheegin sababta ay waddooyinka maanta u xirtay iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhagax dhigayo dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

11 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago